Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre oo katirsan Golaha Mustaqbalka ayaa u guuray xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Hoggaamiyeyaashan hore oo horay u deganaa guryo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa la sheegay in tallaabadan ay qaadeen si ay isaga yareeyaan caqabadaha dhinaca socdaalka ee kaga imanaya xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadda u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay sii xoogeysatay kaddib markii laba jeer laga hor istaagay Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble inay galaan Xalane, si ay uga qeybgalaan shir uu qabanayay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Arrintaas ayaa sare u qaaday walaaca la xiriira kala aamin baxa siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada.

Dhanka kale, maanta ayaa la filayaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay kulan xasaasi ah la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulankaas uu imanayo xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa muujinaya marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada kulamada socda iyo saameynta ay ku yeelan karaan mustaqbalka siyaasadda dalka.