Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa galabta ilaa caawa isku dayay inay shir gaar ah ku qabsadaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane, hase yeeshee waxaa lagu wargeliyay in aan wax hub ah, xitaa bistoolad, lala geli karin gudaha garoonka iyo Xalane.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ammaanku ay si cad u muujiyeen in aan la oggolaan doonin kulan gaar ah oo aan fasax rasmi ah haysan, arrintaas oo loo fasirtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diidan tahay qabsoomidda shirkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ballan qaaday inuu xallin doono caqabadaha is-hor-taaga ee ka dhanka ah madaxda hore iyo kulamadooda siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda ma muuqato tallaabo muuqata oo lagu hirgeliyay ballanqaadkaas, iyadoo la sheegayo in hay’adaha amniga aysan wax ka beddelin go’aannadoodii hore.
Arrintan ayaa si weyn u kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, xilli ay socdeen dadaallo lagu doonayo in dib loo bilaabo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.
Khubaro ku xeel dheer arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in is-hor-taagga shirarka madaxda hore iyo kuwa maamul goboleedyada ay dib-u-dhac ku keeni karto geeddi-socodka wada-hadalka siyaasadeed, isla markaana ay sii fogeyn karto kalsoonida dhinacyada is haya.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya sababaha ka dambeeya diidmada shirka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan dhinacyada siyaasadeed ee arrintan ku lugta leh.






