Waxaa burbur ku dhow shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaddib markii maalintii labaad ee wada-hadallada ay baaqdeen, iyadoo la sheegay in labada dhinac ay isku mari waayeen qaabka wada-xaajoodka iyo ajandaha arrimaha doorashooyinka.
Wararka laga helayo ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay iska soo xuleen xubno kooban oo matala si ay ula gorgortamaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, hase yeeshee la tilmaamay in Madaxweynaha uu diiday qaabkaas, isla markaana uu ku adkeystay in wada-hadallada ay noqdaan kuwo ay ka wada qeybgalaan dhammaan xubnaha Golaha.
Khilaafka ugu weyn ayaa la xiriira nooca doorashooyinka dalka ka dhici doona, gaar ahaan heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa ku baaqaya in la qabto doorashooyin dadban, halka Madaxweynaha uu ku adkeysanayo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Arrintan ayaa sii kordhisay kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya dhinacyada, iyadoo la rumeysan yahay in natiijada wada-hadalladan ay saameyn weyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee dalka iyo jadwalka doorashooyinka soo socda.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa in maanta ay yeeshaan kulan gaar ah oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda rasmiga ah, iyadoo si weyn loo wada sugayo go’aannada ka soo baxa shirkaas.






