Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay Axmed Cabdi Maxamuud Hurre.

Hurre oo lataliye sare u ah madaxweynaha Puntland ayay Ciidamada booliiska kasoo xireen hoteelkii uu ka deganaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxana lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa falal liddi ku ah amniga qaranka.

Xogo dheeraad ayaa laga helayaa qaabka uu u dhacay xariggiisa iyadoo warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in hoteelka ay galeen ciidamo dharcad ah oo laba ahaa kuwaas oo u yeeray eedeysanaha markii uu uyimid kadibna ay usheegeen inuu xarig yahay balse uu ka dhago adeegay waxayna labada sarkaal ee dhar cadka ahaa ay wacdeen taliyaha ciidanka booliiska ee garoonka Cadde kuwaas oo ku wargaliyay Taliyaha in Hurre uu yahay eedeysane islamarkaana uusan dhinacna garoonka uga bixi karin.

Markii ay booliiska intaas ku wargaliyeen eedeysnaha ayaa aqbalay xarigga isagoona codsaday inuu dib ugu laabto qolkiisa balse markii uu galay qolka kadib waxaa kadaba galay ciidamada oo sidoo kale qolka kalasoo baxay boorso uu lahaa eedeysanaha iyagoona sidoo kale la wareegay taleefankiisa gacanta.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa intii uu howlgalka lagu xirayay Axmed hurre uu socday foowdo ku kiciyay ciidamadii howlgalka fulinayay iyadoo qaar kamida xildhibaanada ay u gacan qaadeen ciidamadii dharcadka ahaa ee xiray Axmed Maxamuud Hurre,.

Ciidamada nabad ilaalinta oo sidoo kale kusoo baxay buuqa ayaa isku dayay inay xiraan ciidankii dharcadka ahaa ee howlgalka fuliyay balse u ku wargaliyay inay yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya Islamarkaana ay faraha kala baxaan arrinta iyadoo ciidamada nabad ilaalinta ay aqbaleen.