Siyaasiyiinta kala ah Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa si wadajir ah u bogaadiyey ansaxinta dhammeystirka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal bayaan wadajir ah oo ay ka soo saareen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah xoojinta nidaamka dowladnimo iyo hirgelinta hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan.

Siyaasiyiintan ayaa tilmaamay in isbeddellada lagu sameeyey Dastuurka ay si gaar ah u xoojinayaan qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

In nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u noqdo nidaam Baarlamaan, iyadoo Madaxweynaha ay doortaan xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

In Ra’iisul Wasaaruhu uu helo kalsoonida Baarlamaanka, isla markaana Baarlamaanku xaq u yeesho inuu kala noqdo kalsoonida si waafaqsan Dastuurka.

In tirada xisbiyada qaranka lagu xaddido saddex (3), si loo xaqiijiyo furfurnaan siyaasadeed, tartan dimuqraadi ah iyo matalaad ballaaran.

Waxay sheegeen in qodobadani ay horseedi doonaan xasillooni siyaasadeed, mideyn qaran iyo hirgelinta dastuur loo dhan yahay oo ka turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu adkeeyey in Dastuurku yahay dukumenti nool oo la jaanqaadi kara duruufaha isbeddelaya ee dalka, loona baahan yahay in lagu ilaaliyo wadahadal, wada-tashi iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan, Cumar Cabdirashiid iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadeed in ay ka hormariyaan danta qaranka danaha gaarka ah, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta dowladnimada, midnimada iyo hirgelinta dastuur waara oo lagu wada qanacsan yahay.