Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka la filayo inuu maalmaha soo socda ka qabsoomo gudaha xerada Xalane.
Xubnaha Golaha ayaa dhammaantood soo gaaray caasimadda, waxaana shalay kusoo biiray Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Golaha.
Wararka laga helayo ilo ku dhow Golaha Samatabixinta ayaa sheegaya in kulankan diiradda lagu saaray:
Wada-tashiyo ku aaddan shirka la qorsheynayo inuu ka dhaco Xalane
Xaaladda guud ee siyaasadda dalka
Iyo sida loo wajahayo kulammo wadajir ah oo dhexmara Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Sidoo kale, Golaha ayaa ka arrinsanaya sidii wada-tashi ballaaran loola yeelan lahaa saaxiibadood Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni, marka ay soo gaaraan Muqdisho.
Shirka Golaha Samatabixinta ayaa imanaya xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan wadatashi qaran iyo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed.
Waxaa la filayaa in natiijada kulamadan ay saameyn weyn ku yeelan doonto jihada wada-hadallada siyaasadeed ee dalka.






