Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii ugu dambeeyay ee ay Iiraan ku beegsatay dalalka walaalaha ah ee kala ah Imaaraadka Carabta, Dowladda Qatar, Dowladda Kuwait, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Boqortooyada Urdun.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxay ku tilmaantay falalkan kuwo gardarro ah oo aan marmarsiiyo lahayn, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya nabadda, xasilloonida, iyo wada noolaanshaha gobolka.

Somaliland waxay muujineysaa garab istaag buuxa iyo midnimo ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee la weeraray, iyadoo adkeynaysa in fal kasta oo noocan oo kale ah uu dhaawac ku yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo iskaashiga gobolka.

Ugu dambeyn, Somaliland waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha, isla markaana ay doortaan wadahadal iyo xal nabadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka jira.