Emailo dhawaan lasii daayay ayaa muujinaya in Jeffrey Epstein iyo shabakaddiisu ay si joogto ah uga hadleen Somaliland sannado ka hor marxaladda juqraafi-siyaasadeed ee ay maanta ku jirto.
Iimaylo la isweydaarsaday oo u dhexeeyay 2012 ilaa 2018 ayaa Somaliland ku tilmaamaya fursad istiraatiiji ah iyo mid ganacsi, iyadoo lala xiriirinayo soo saarista biyaha, qandaraasyada shidaalka, sameynta warbaahinta, iyo marin u helidda waddamada Khaliijka.
Mid ka mid ah emailo sanadkii 2012, Epstein ayaa ka hadlay qorshe lagu bilaabayo shirkad biyo ah oo laga hirgeliyo Somaliland, isagoo xusay “kheyraad biyo nadiif ah oo aad u ballaaran oo aan weli la isticmaalin” oo ku yaalla agagaarka magaalada dekedda ah ee Berbera, isla markaana leh marin dhoof oo toos ah oo ku wajahan Sucuudiga. Wuxuu mashruuca ku sifeeyay mid degdeg ah, faa’iido leh, isla markaana si sahlan loo fulin karo, iyadoo ilaha biyaha horey loo khariidadeeyay.
Is-weydaarsi kale ayaa soo jeediyay in Somaliland laga dhiso xarun filimaan iyo warbaahin ah, taas oo si cad loogu magac daray “SOMALIWOOD STUDIOS.”
Email kale oo sanadkii 2013 ah ayaa tixraacaya qandaraasyo sahamin shidaal oo ka jira Somaliland, iyadoo la codsanayo $50 milyan si loo maalgeliyo saddex aag oo waaweyn oo sahamin ah, kuwaas oo guud ahaan gaaraya qiyaastii 30,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Farriintu waxay sheegaysaa in fursadaha sahanku ay yihiin “kuwa wanaagsan,” isla markaana ay soo jeedinayso in la isku duwo xiriirro Yurub ah.
Jeffrey Epstein ayaa Somaliland ku xiray maalgelin uga timid dalalka Khaliijka, gaar shirkad fadhigeedu yahay Dubai oo ka qayb qaadatay mashaariic waaweyn oo jasiirado macmal ah looga dhisayo daganaa Somaliland islamarkaana wali ka howlgasha.
Marka la isku geeyo, dukumentiyadani waxay muujinayaan in Somaliland ay shabakado heer sare ah oo Reer Galbeed iyo Khaliiji ah uga hadleen sidii hanti istiraatiiji ah—dhanka kheyraadka, saadka, saameynta dhaqan iyo warbaahin, iyo marin u helidda gobolka—waqti dheer ka hor dhaqdhaqaaqyada aqoonsi diblomaasiyadeed ee dhawaanahan soo ifbaxay.
Doodahan gaarka ah waxay ka horreeyaan wararka maanta la isla dhexmarayo, balse waxay si dhow ula jaanqaadayaan isbeddellada hadda ka socda gobolka, oo ay ku lug leeyihiin Israa’iil, waddamada Khaliijka, marin-biyoodka Badda Cas, iyo Geeska Afrika.






