Wasiir ka tirsan Somaliland ayaa u sheegay wakaaladda Wararka AFP in maamulka gobolkan uu diyaar u yahay in uu Maraykanka siiyo fursad gaar ah oo uu kaga faa’iideysto khayraadka macdanta, isla markaana uu u ogolaado in laga dhiso saldhigyo militari gudaha Somaliland.

Wasiirka madaxtooyada, Khadar Hussein Abdi, ayaa sheegay:

“Waxaan diyaar u nahay in aan si gaar ah u siino Maraykanka macdanteena. Sidoo kale, waxaan u furnahay in aan u soo bandhigno saldhigyo militari.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in maamulka Somaliland uu rajeynayo in laga gaari doono heshiis Maraykanka la leh, isagoo tilmaamay in xiriirka caalamiga ah uu muhiim u yahay aqoonsiga Somaliland, oo tan iyo 1991 ku dhawaaqday madax-bannaani.

Madaxda Somaliland ayaa dhawaan sidoo kale soo jeedisay in Israa’iil la siiyo fursado khaas ah oo ku saabsan macdanta, iyadoo la sheegay in aan la diidi karin suurtogalnimada in Israa’iil saldhig militari ka samaysato gudaha Somaliland mustaqbalka.

Somaliland oo ku taalla dhinaca Badweynta Cad ee u dhow Yemen, ayaa lagu tilmaamay inay hodan ku tahay macdanaha lithium, coltan, iyo kuwa kale oo la raadiyo, in kasta oo daraasado madax-bannaan aysan si buuxda u xaqiijin.