Madaxweynaha Somaliland ayaa Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabay inuu noqdo Safiir Buuxa oo Awood leh oo Somaliland u fadhin doona Dawladda Israa’iil.

Magacaabistan ayaa ka dambeysay qiimeyn iyo tixgelin ku saabsan khibradda, aqoonta, iyo waayo-aragnimada diblomaasiyadeed ee Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, iyadoo lagu saleeyay dardargelinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.

Safiirka cusub ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilka Safiirnimo, si waafaqsan Dastuurka  Somaliland, xeerarka dalka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay  Somaliland ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo arrimaha amniga.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha  Somaliland ayaa Safiirka cusub kula dardaarmay inuu si hufan oo masuuliyadi ku dheehan tahay u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana uu ka shaqeeyo danaha iyo sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka.