Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay hadallo dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga, kuwaas oo ay ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu wiiqayo xiriirka iyo iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka iyo saaxiibbada gobolka.
War-saxaafadeed degdeg ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in hadallada Madaxweynaha Turkiga ay yihiin kuwo lagu carqaladeynayo dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo xiriirrada ay la dhisanayso waddamada gobolka.
Dowladda Somaliland ayaa caddeysay in go’aamada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay in ay si madax-bannaan u gaaraan dowladaha iyo shucuubta gobolka, iyadoo aan la oggolaan karin in tartan iyo loollan dibadeed lagu soo dhex daro arrimaha gobolka, arrintaas oo khatar gelin karta xasilloonida iyo iskaashiga.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ugu baaqayso Turkiga inuu ka fogaado tallaabooyin iyo mowqifyo sii hurin kara xiisadaha gobolka, isla markaana uu ixtiraamo mabaa’di’da is-qaddarinta, faragelin la’aanta, iyo madax-bannaanida go’aan qaadashada.
Somaliland waxay ku adkaysatay in dadaallada ay ku raadinayso xiriir diblomaasiyadeed iyo aqoonsi caalami ah ay yihiin kuwo nabadeed, sharci ah, islamarkaana si buuxda ugu dhisan rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabka Somaliland.
Ugu dambayn, Somaliland waxay ku celisay in himiladeeda ku aaddan iskaashi goboleed iyo mid caalami ah ay salka ku hayso nabad, xasillooni iyo horumar waara oo dan u ah shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.







