Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shabakad ay ku eedeeysay inay ka shaqeyneysay wiiqitaanka aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil.

Cabdalle Maxamed Carab Sandheere oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland ayaa sheegay in Shabakaddan ay soo direen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalal shisheeye ujeedaduna ay tahay in lagu wiiqo aqoonsiga ay ka heleen isra’iil.

“Markii aan aqoonsiga helnay, waxaa soo baxay cadow kasoo horjeeda guusha aan gaarnay,” ayuu yiri Wasiir Sandheere. Wuxuu intaas ku daray: “Ciidamada amnigu, dadaalkooda awgiis, waxay qabteen shabakad u shaqeysa cadawga oo ay maal-gelinayaan dalal shisheeye. Waxaana koow ka ah oo taageeraya Xasan Sheekh oo Muqdisho ka arrimiya,” Ayuu yiri wasiirka.

Golaha Wakiilada iyo Golaha wasiirada Somaliland ayuu sheegay inay horay go’aan uga gaareen in tallaabo laga qaadao cid kasta oo ka hortimaada aqoonsiga Isra’iil ay siisay Somaliland.

Somaliland ayaa muddooyinkaan xir xireyaay cid kasta oo kahor timaada aqoonsigeeda waxana dadkaasi la xiray kamida culumo, dhallinyaro iyo dad kale oo caan ah kuwaas oo si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.