Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ka qeybgaleyso dhoolatus ciidan badeed oo heer caalami ah oo loogu magac daray “Exercise Cutlass Express 2026”, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamo badeed oo ka kala socda caalamka iyo qaaradda Afrika. Dhoolatuskan ayaa ah mid sannadle ah oo lagu xoojiyo amniga badda iyo iskaashiga milateri ee gobolka iyo dunida intiisa kale.
Dhoolatuska Cutlass Express 2026 waxa uu ka dhacayaa Port Louis, Mauritius iyo biyaha ku hareeraysan Badweynta Hindiya — aagga badda bari ee Afrika, waxaana qorshuhu yahay in uu socdo laga bilaabo 2da ilaa 12ka Febraayo 2026 iyadoo lagu shaqeynayo biyo caalami ah iyo agagaarka jasiiradaha Mauritius.
Dhoolatuskan waxa uu qayb ka yahay dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo la dagaallanka burcad-badeedda, dhacabka sharci darrada ah, tahriibka iyo falalka kale ee hanjaba amniga maraakiibta ganacsiga, iyadoo sidoo kale la baranayo farsamooyin cusub iyo la shaqeynta ciidamada badda ee dalalka kale.
Waxaa dhoolatuskan ka qeybgalaya ciidamo badeed oo ka socda dalalka:
Comoros, Djibouti, Masar, Faransiis, Georgia, Hindiya, Kenya, Madagascar, Malawi, Mauritius, Morocco, Mozambique, Senegal, Seychelles, Tanzania, Tunisia, Mareykanka iyo UK, iyo weliba Soomaaliya oo si firfircoon uga qeybqaadaneysa.
Ujeedada Dhoolatuska:
Xoojinta iskaashiga amniga badda iyo wada shaqeynta ciidamada ka kala socda dunida.
Kor u qaadista aqoonta iyo tababarka farsamada ee la dagaallanka burcad-badeedda, tahriibka iyo dambiyada badda.
Horumarinta awoodda la socodka badaha, ilaalinta marin biyoodka, iyo fulinta howlgalada badda ee heer caalami.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ka qeybgalka dhoolatuskan uu yahay fursad weyn oo Soomaaliya ay ku muujinayso doorka ay ka ciyaareyso amni-dhowrka badda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonto tababar gaar ah oo sareeya si loo horumariyo awoodda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.






