Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u cambaaraysay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka, sida uu ka sheegay Golaha Ammaanka ergeyga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Danjire Abuukar Balle.

Hadalkan ayaa laga jeediyay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay xaaladda amni ee Bariga Dhexe iyo xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Iiraan iyo dalalka gobolka.

Ergeyga Soomaaliya ayaa sheegay in DFS ay si weyn uga walaacsan tahay saameynta colaadahaasi ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo ku baaqay in:

La ixtiraamo madaxbannaanida dalalka.

La ilaaliyo sharciga caalamiga ah.

Khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo diblomaasiyad.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay in sii hurinta xiisadaha ay halis ku tahay dhaqaalaha iyo amniga caalamka, gaar ahaan dalalka ku tiirsan isu socodka ganacsiga iyo shidaalka ee mara marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in beesha caalamka ay kaalin firfircoon ka qaadato dejinta xiisadaha si loo ilaaliyo nabadda gobolka iyo tan caalamka.