Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan xiisad xuduudeed oo u dhaxaysa Dowladda Kuwait iyo Jamhuuriyadda Ciraaq, iyadoo war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku caddeysay in ay garab taagan tahay Kuwait.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay adkeynayso muhiimadda ay leedahay ixtiraamka shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan heshiisyada iyo qaraarrada khuseeya xuduudaha badda iyo madaxbannaanida dalalka. Dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in ay taageersan tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Kuwait, isla markaana ay ku baaqday in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal iyo habab nabadeed.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay jiraan doodo la xiriira in Soomaaliya ay dhex gashay xiisad u dhaxaysa laba dal oo ay labadaba xiriir diblomaasiyadeed la leedahay. Ciraaq ayaa horey gacan uga geysatay taageero dhinacyo kala duwan leh oo ay ka mid yihiin sahay militari iyo iskaashi dhaqaale, arrimahaas oo si weyn loo hadal hayo.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in mowqifka DFS uu saameyn ku yeelan karo xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq, halka kuwo kale ay ku doodayaan in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay qaadato mowqif ku saleysan aragtideeda ku aaddan sharciga caalamiga ah iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.







