Wargeyska The Washington Post,ayaa daabacay warbixin muujinaysa in, marka laga soo tago Israa’iil, Sacuudiga uu si weyn ugu cadaadiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah Iiraan.
Sida lagu sheegay warbixinta, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa dhowr jeer la xiriiray Trump si uu ugu dhiirrigeliyo weerarka ka dhanka ah Iran inkasta oo uu si rasmi ah u muujinayay inuu taageersan yahay xal diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo khilaafka.
Warbixintu waxay tilmaamtay in dhaxal-suguhu uu u sheegay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in Sacuudigu uusan oggolaan doonin in hawadiisa ama dhulkiisa loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan. Hase yeeshee, wada-hadallo uu la yeeshay saraakiil Mareykan ah ayuu ku sheegay in Iiraan ay sii xoogeysan doonto, isla markaana ay noqon doonto mid khatar badan, haddii Washington aysan adeegsan awoodda milatari ee baaxadda leh ee ay ku urursatay Bariga Dhexe.
Sidoo kale, wargeysku wuxuu sheegay in walaalka dhaxal-sugaha, Khalid Bin Salman, uu fariin la mid ah ku gudbiyay kulammo gaar ah oo uu ku yeeshay Washington intii uu booqasho ku joogay bishii Janaayo.
Ugu dambeyn, warbixintu waxay xustay in Trump uu go’aansaday inuu weerarka fuliyo, inkasta oo ay ka hor imanaysay siyaasaddiisii muddada dheer ee ka fogaanshaha dagaallada dibadda, isla markaana aysan jirin hanjabaad toos ah oo Iiraan ay u dirtay dhulka Mareykanka.
The Washington Post ayaa sidoo kale sheegtay in qaabka laba-wajiilaha ah ee dhaxal-sugaha ay u badan tahay inuu ka tarjumayay dadaal uu ku doonayay inuu kaga hortago aargoosi kaga yimaada Iiraan oo lagu beegsado kaabayaasha shidaalka Sacuudiga. Ilo ku dhow dhow dhaxal-sugaha ayaa qiray inuu Tehran u arko cadowga ugu weyn ee gobolka ay ku leedahay Riyadh.
Sacuudiga oo ay hoggaaminayaan Sunniga iyo Iiraan oo ay maamulaan Shiicada ayaa muddo dheer ku loollamayay saameynta iyo awoodda siyaasadeed ee Bariga Dhexe.






