Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay hoggaanka Guutooyinka Qeybta Kumaandooska Gorgor, isaga oo xilalkii ka qaaday qaar kamid ah taliyeyaashii hore, islamarkaana magacaabay hoggaan cusub.

Taliye Aadan Maxamed Faarax ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 18-aad ee Qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor, waxaana xilka laga qaaday Taliye Anwar.

Taliye Galmadoobe ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 19-aad, isagoo beddelay Taliye Cosoble.

Taliye Xuseen Molif ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor, waxaana xilka laga qaaday Taliye Nageeye.

Taliye Taajudiin ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 20-aad, isagoo beddelay Taliye Maxamed Sheikh.

Sidoo kale, magacaabisyo dheeraad ah ayaa lagu sameeyay heerarka kale ee hoggaanka:

Taliye Xasan Daahir ayaa loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Guutada 17-aad.

Taliye C/raxmaan Tooxoow ayaa loo magacaabay Taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada 20-aad Kumaandooska Gorgor.

Ujeeddada Isbeddelka
Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe dib-u-habeyn iyo xoojinta hoggaanka cutubyada Kumaandooska Gorgor, si loo adkeeyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab ee amni-darrada ka wada dalka.

Taliyaha cusub ee CXDS ayaa la filayaa inuu sii wado dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo isku-dubaridka ciidamada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.