Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso tallaabo kasta oo sharci ah oo ay dalalkaasi ku difaacayaan madaxbannaanidooda iyo ammaankooda, isla markaana ay ku baaqday in xiisadaha gobolka lagu xalliyo wadaxaajood iyo nabad.
Si kastaba ha ahaatee, bayaanka dowladda ayaa si cad uga maqnaa cambaareyn ku aaddan weerarka lagu qaaday Imaaraadka Carabta, inkastoo uu yahay dal Muslim ah oo ka tirsan dalalka Khaliijka. Arrintan ayaa dhalisay falcelin siyaasadeed iyo dood ku saabsan sababta Dowladda Soomaaliya uga aamustay weerarkaasi.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay qaadatay waxa ay ku tilmaameen “siyaasad doqonimo ah,” iyagoo sheegay in xilliyada dagaalka iyo xiisadaha caalamiga ah looga baahan yahay dowladdu inay qaadato mowqif mideeya ummadda Islaamka, halkii ay kala sooci lahayd dalal ay isku diin yihiin.
Dhanka kale, taageerayaasha dowladda ayaa ku dooday in mowqifka Muqdisho uu ku saleysan yahay danaha qaran iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee u gaarka ah, isla markaana aysan habboonayn in arrimaha dibadda lagu qiimeeyo dareen kaliya.
Xiisadaha ka taagan gobolka ayaa weli taagan, iyadoo indhaha lagu hayo sida dalalka Geeska Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, ay uga falcelin doonaan isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee Bariga Dhexe.






