Maamulka Puntland ayaa saaka si rasmi ah u fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Hodan Mohamud Diiriye, kadib markii maxkamadaha Puntland ay horay ugu heleen inay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle oo 13 jir aheyd.
Dil toogashada ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu fuliyay xukunka qisaasta ah ee lagu riday Hodan, kadib markii dhammaan heerarkii racfaanka ay soo mareen, ayna ogolaadeen ehellada marxuumadda.
Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha caddaaladda Puntland ayaa sheegay in fulinta xukunkaan ay ku timid kadib markii ay dhammaatay dhammaan habraacyadii sharciga, isla markaana la xaqiijiyay in qoyska dhibbanaha ay ogolaadeen in qisaasta la fuliyo.
Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal kamid ah Shacabka degan Waqooyiga Magalada Gaalkacyo, Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Eheladaa ada dhinac.
Dilka Saabiriin Saylaan ayaa si weyn u gilgilay bulshada Puntland, waxaana kiiskaan uu noqday mid si weyn loola socday, maadaama uu saameyn weyn ku yeeshay dareenka shacabka.






