Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballan-qaaday in uu sii wadi doono waxa uu ku tilmaamay “howlgal xaq ah” oo ka dhan ah Iran, ilaa laga gaarayo “dhammaan ujeeddooyinka la dejiyey”, isaga oo sidoo kale qiray in ay suuragal tahay in askar kale oo Mareykan ah ay ku dhintaan howlgalkaasi.

Khudbad muuqaal ah oo uu Axaddii ku baahiyey akoonkiisa baraha bulshada ee Truth Social, ayuu Trump mar kale dagaalka ka dhanka ah Iran ku sifeeyey mid looga jawaabayo khatar jiritaan ah oo ku wajahan Mareykanka. Wuxuu sheegay in “maamul Iran ah oo ku hubeysan gantaallo riddadoodu dheer tahay iyo hub nukliyeer ah uu halis weyn ku yahay muwaadin kasta oo Mareykan ah.”

Trump iyo saraakiisha ugu sarreysa maamulkiisa ayaa hadallo la mid ah ku celceliyey maalmihii ka horreeyey weerarradii Sabtidii, kuwaas oo lagu dilay Hoggaamiyihii Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, iyo xubno sare oo ka tirsanaa hoggaanka dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiro caddeyn rasmi ah oo ay soo bandhigeen oo muujinaysa in Iran ay horumarinaysay gantaal riddadiisu gaari karto gudaha Mareykanka ama ay si dhow ugu dhaweyd sameysashada hub nukliyeer ah.

Tehran ayaa muddo dheer beenisay in ay doonayso hub noocaas ah, halka khubaro badan ay qiimeeyeen in xitaa haddii Iran ay go’aansato in ay sameysato hub nukliyeer ah, ay qaadan karto dhowr sano oo kale. Weerarrada Mareykanka ayaa dhacay xilli ay socdeen wada-hadallo u dhexeeyey Washington iyo Tehran oo ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Iran, iyadoo Mareykanku uu weerarka la fuliyey xulafadiisa Israel.

Trump waxa uu sidoo kale tixraacay saddex askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerarro aargoosi ah oo Iran ka fulisay gobolka.

“Qaran ahaan, waxaan u barooranaynaa halyeeyada dhabta ah ee Mareykanka ah ee naftooda u huray dalkooda, xilli aan sii wadeyno howlgalka xaqa ah ee ay naftooda u hureen,” ayuu yiri Trump.

“Waana murugo, balse waxaa suuragal ah in ay jiri doonaan kuwo kale ka hor inta uusan dhammaan,” ayuu raaciyey. “Sidaas ayey xaaladdu tahay — waxaa dhici karta in ay bataan, balse waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah si aysan taasi u dhicin.”

Ugu dambeyn, Trump wuxuu sheegay in Mareykanku “ka aargudan doono dhimashadooda, isla markaana uu gaarsiin doono jugtii ugu darneyd argagixisada dagaalka ku qaaday, asal ahaan, ilbaxnimada.”