Dowladda Turkiga ayaa maanta dalkeeda ka soo tarxiishay ku dhawaad 40 muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo la filayo in goordhow laga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan ayaa isugu jira rag iyo dumar dhalinyaro ah, kuwaas oo muddooyin kala duwan ku noolaa magaalooyin ka tirsan dalka Turkiga, halkaas oo qaarkood ay si sharci-darro ah ugu sugnaayeen, halka kuwo kalena ay waayeen shuruudihii deggenaansho.

Ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qabannqaabo rasmi ah laga wado garoonka Aadan Cadde, si loo soo dhaweeyo loogana wareego muwaadiniinta dib loo soo celiyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda ayaa sheegay in la diyaariyay habraacyo lagu maareynayo soo laabashada muwaadiniintan, si loo hubiyo in ay helaan daryeel, diiwaangelin iyo hagid ku aaddan mustaqbalkooda.

Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo saacadaha soo socda, marka ay diyaaradda si rasmi ah u soo caga dhigato garoonka.