Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaa maanta oo Khamiistii si cad u beenisay warar sheegayay in ay nidaamka difaaca gantaallada ee Ruushka laga soo iibsaday ee S-400 u dirtay dalka Somalia iyadoo ku tilmaantay wararkaasi kuwo ku saleysan mala-awaal lagu faafiyay baraha bulshada.
Afhayeenka wasaaradda, Rear Admiral Zeki Akturk oo ka hadlay shir jaraa’id oo toddobaadle ah, ayaa sheegay in nidaamyada S-400 ay weli ku sugan yihiin gudaha Turkiga, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo lagu geynayo Soomaaliya.
“Sida aan hore u caddeynay, nidaamyada difaaca hawada ee S-400 waxaa loo soo iibsaday si waafaqsan baahiyaha howlgal ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, waxayna hadda ku jiraan xaalad diyaar-garow,” ayuu yiri Aktürk. “Ma jiro wax qorshe ah oo ku saabsan adeegsiga nidaamyada S-400 gudaha Soomaaliya.”
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii warbaahinta gobolka iyo baraha bulshada ay si weyn u faafiyeen warar sheegaya in Ankara ay nidaamyada gantaallada masaafada dheer dhigtay Muqdisho si ay u ilaaliyaan danaha istiraatiijiyadeed iyo kuwa amni ee sii kordhaya.
Sanadihii u dambeeyay, Turkiga ayaa xoojiyay iskaashiga amni ee kala dhexeeya Soomaaliya, oo ay ku jirto Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo lagu xoojinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laguna horumarinayo amniga badda.
Aktürk ayaa xusay in dhammaan howlaha Turkiga ee Soomaaliya ay ku saleysan yihiin heshiisyo rasmi ah oo la saxiixay, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay ku tiirsanaadaan war-saxaafadeedka rasmiga ah ee wasaaradda halkii ay qaadan lahaayeen warar aan la xaqiijin oo mararka qaar soo noqnoqda.
Nidaamka S-400 ayaa hore u sababay xiisad u dhexeysa Turkiga iyo xulafadiisa ay ku jirto gaashaanbuurta NATO, gaar ahaan Mareykanka, taas oo horey cunaqabateyn ugu soo rogtay Ankara kana saartay barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35 kaddib markii ay Turkigu Ruushka ka soo iibsadeen nidaamkaasi.






