Ilo xogtooda lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in wafdigii u horreeyay ee ka socda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ay maanta kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.
Wararku waxay tilmaamayaan in safarkan uu yimid kadib cadaadis caalami ah oo lagu saaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul, si loo fududeeyo furitaanka wadahadallo siyaasadeed oo la filayo in ay ka qabsoomaan caasimadda.
Cadaadiskaas ayaa lagu doonayaa in dhinacyadu miiska wada-hadalka isugu yimaadaan, loona helo xal waara oo ku saabsan khilaafaadka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay.
Dhanka kale, xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Puntland ayaa iyaguna xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay Muqdisho u soo diraan wafdi horudhac ah, si ay u sii diyaariyaan kulamada iyo wadahadallada la filayo.
Arrintan ayaa imanaysa xilli dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarado siday ciidamo iyo wufuud horudhac ah oo ka kala socotay Puntland iyo Jubaland, taas oo markaas sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa dhinacyada.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in kulamada la filayo ay diiradda saari doonaan arrimaha doorashooyinka, awood qeybsiga, dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
Wali si rasmi ah looma shaacin taariikhda rasmiga ah ee shirka, balse dadaallada socda ayaa muujinaya in la doonayo in xaaladda siyaasadeed loo helo xal wadahadal ku dhisan.






