Waxaa sii xoogeysanaya dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan safiirrada iyo diblomaasiyiinta caalamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in wakiillada caalamiga ah ay la xiriireen madaxda dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, iyagoo ka codsaday in ay ka fogaadaan go’aanno diidmo ah oo carqaladeyn kara shirka la qorsheynayo in lagu dhameeyo khilaafka.

Sidoo kale, diblomaasiyiinta ayaa wadahadallo gaar ah la yeeshay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo door muhiim ah ku leh dadaallada la doonayo in lagu mideeyo dhinacyada.

Dhanka kale, xogo hoose oo laga helayo xubno ku dhow guddiga wada-hadallada u dhexeeya Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Samatabixinta ayaa tilmaamaya in ay weli jiraan caqabado waaweyn, isla markaana rajada qabsoomidda shirka ay hoos u dhacday, inkasta oo dadaallada beesha caalamka ay wali sii socdaan.

Ilo-wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in kalsooni darro xooggan ay weli ka dhex jirto dhinacyada is khilaafsan, taas oo caqabad ku ah in si degdeg ah loo gaaro heshiis mideysan.

Si kastaba ha ahaatee, wakiillada beesha caalamka ayaa weli ku adkeysanaya in xal waara lagu gaari karo wada-hadal iyo is-afgarad, iyagoo rajo ka muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay mudnaan siin doonaan danaha guud ee dalka.