Xildhibaanadii ku xayirnaa Hotel Airport ee magaalada Muqdisho lagana soo doorto Puntland ayaa loo ogolaaday inay safri karaan, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ilo kala duwan oo ku dhow dhow Xukuumadda Federaalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in go’aankan uu yimid kadib markii maanta si rasmi ah loo meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, iyada oo dhinacyada mucaaradka diidan yihiin.

Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in xildhibaanada hadda ay xor u yihiin inay safraan wakhti kasta oo ay doonaan, isla markaana aanay jirin wax xayiraad ah oo ka hor istaagaya dhaqdhaqaaqooda.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in wada-hadallo iyo kulamo gaar ah oo socday maalmihii u dambeeyay ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu doonayay in xal looga gaaro xaaladda xayiraadda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dood adag ay ka taagneyd wax ka beddelka dastuurka, iyadoo dhinacyo kala duwan ay aragtiyo iska soo horjeeda ka qabeen qodobada la ansixiyay.