Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aanka taariikhiga ah ee ay Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliyaku ansixiyeen Dastuurka Dalka oo muddo dheer ku soo jiray geeddi-socod qabyo-tir ah.

Waxaan si gaar ah ugu hambaliyaynaynaa bulshda ku dhaqan Caasimadda Muqdisho oo Dastuurku uu u caddeeyay maqaam maamul iyo matalaad siyayasadeed oo ay muddo dheer baadigoobayeen. Waa billow guul ah, waxaana rajayanaynaa in ay noo horseedi doonto guulo isdabajoog ah oo qaranku uuu si wadajir ah u gaaro ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Maamulka.

Waxaan u mahadnaqaynaa Guddoonka Labada Aqal iyo Xildhibaannada ansixiyay Dastuurka, iyo weliba hoggaanka ugu sarreeya dalka ee Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo muujiyay dhabar-adayg, daacadnimo iyo rabitaan dhab ah oo ay ku doonayeen in laga guul-gaaro dadaallada dawlad-dhiska ee muddada dheer soo jiitamayay.

Ugu dambeyn, wuxuu Maamulku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed oo dareen farxadeed ku qaabilay ansixinta Dastuurka. Falcelinta togan ee shacabku waxay muujinaysaa sida ay ugu baahi qabaan in dalka hore loo sii wado oo laga gudbo meermeertada siyaasadeed ee muddada dheer lagu soo jiray.