Dowladda Pakistan ayaa Jimcihii duqeymo ka fulisay caasimadda Afghanistan ee Kabul iyo laba gobol oo kale, saacado kaddib weerar is-dhaafsi ah oo ka dhacay xadka labada dal. Tallaabadan ayaa noqotay midii ugu dambeysay ee sii hurisay rabshadaha u dhexeeya labada dal ee dariska ah, kuwaas oo sanadkii 2025 saxiixday xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay dalka Qatar.
Duqeymaha ayaa yimid kaddib bilo ay socdeen iska hor-imaadyo is-daba joog ah. Ciidamada Afghanistan ayaa habeenkii Khamiista weerar ku qaaday ciidamo ilaalo ka hayay xadka Pakistan, iyadoo xukuumadda Taliban ay sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid jawaab u ah duqeymo hore oo sababay khasaare dhimasho.
Saacado yar kaddib, ugu yaraan saddex qarax ayaa laga maqlay Kabul, iyadoo labada dhinac ay soo bandhigeen tirooyin kala duwan oo ku saabsan khasaaraha iyo goobaha la beegsaday.
Wasiirka Warfaafinta iyo warbaahinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa sheegay in duqeymihii Jimcihii laga fuliyay Kabul, Paktia iyo Kandahar lagu dilay 133 sarkaal oo ka tirsan Taliban, in ka badan 200 kalena lagu dhaawacay, iyadoo uu intaas ku daray in ay jiri karaan khasaare dheeraad ah.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay awood u leeyihiin “in ay burburiyaan cid kasta oo gardarro ku soo qaadda,” halka Wasiirka Difaaca, Khawaja Mohammad Asif, uu ku dhawaaqay in xaaladdu isu beddeshay “dagaal furan.”
Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu Wasiirka Difaacu ku sheegay in Pakistan ay rajaynaysay nabad ka dhalata ka bixitaankii ciidamada NATO ee Afghanistan, isla markaana ay filaysay in Taliban diiradda saari doonto daryeelka shacabka Afghanistan iyo xasilloonida gobolka. Hase yeeshee, wuxuu ku eedeeyay Taliban in ay ururisay maleeshiyaad caalami ah isla markaana ay bilowday “dhoofinta argagixisada.”
“Samirkeennii waa dhammaaday. Hadda waa dagaal furan oo naga dhexeeya annaga iyo iyaga,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa sheegtay in iska hor-imaadyadii ka dhacay xadka Khamiistii lagu dilay 55 askari oo Pakistani ah, iyadoo qaarkood meydadkooda la geeyay gudaha Afghanistan, halka qaar kalena “nolol lagu qabtay.” Wasaaraddu waxay sheegtay in dhinaca Afghanistan ay ka dhinteen siddeed askari, 11 kalena ay ka dhaawacmeen. Sidoo kale waxay sheegtay inay burburiyay 19 fariisin ciidan oo Pakistan leedahay iyo laba saldhig.
Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Mosharraf Ali Zaidi, ayaa hore u beeniyay in wax askar Pakistani ah la qabtay.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday bilihii u dambeeyay, iyadoo inta badan la xiray marinnada xuduudda tan iyo dagaallo dhimasho sababay oo dhacay bishii Oktoobar, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo labada dhinac ah.
Islamabad ayaa ku eedeysa Kabul in ay ku guul-darreysatay in ay tallaabo ka qaaddo kooxaha hubeysan ee weerarrada ka fuliya gudaha Pakistan, arrintaas oo xukuumadda Taliban ay si adag u beenisay.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay ilaaliyaan shacabka rayidka ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah, isla markaana ay ku dadaalaan xallinta khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.






