Qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada ka soo jeeda beelaha Daarood ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Gedo, oo ka mid ah gobollada aan lagu darin qorshaha doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee dhawaan la shaaciyay.

Xildhibaannada iyo wasiirrada ayaa cabasho xooggan ka muujiyay sababta gobolka Gedo looga reebay liiska degmooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinka Golaha Deegaanka. Waxay tilmaameen in arrintani ay abuurtay walaac siyaasadeed iyo dareen takoor, iyagoo dalbaday in si cad loo fasaxo sababaha ka dambeeya go’aankaas.

Sidoo kale, masuuliyiintan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka codsaday inuu cabashadooda iyo aragtidooda gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si xal siyaasadeed oo waara looga gaaro tabashada jirta.

Dhawaan ayay Guddiga Doorashooyinka heer federaal soo saareen liiska degmooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Deegaanka, hase yeeshee gobolka Gedo laguma darin liiskaas, taasoo dhalisay falcelin siyaasadeed iyo dood ku saabsan hannaanka fulinta doorashooyinka dalka.