Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in lagu dilay wiil dhallinyaro ahaa.

Allaha u naxariistee marxuumka oo lagu magacaabi jiray Fatxi Madhooke ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo sida la sheegay doonayay inuu ka dhaco taleefanka gacanta oo uu watay.

Fatxi ayaa la sheegay in xilligii la dilayay uu kasoo baxay masaajid uu salaada kusoo kusoo tukaday waxana wararku sheegayaan in askari uu ku amray taleefanka gacanta uu watay inuu isaga ku wareejiyo balse marxuumka uu diiday taasoo sababtay inuu rasaas wadnaha uga dhufto isagoona marxuumka isla goobta ku geeriyooday waxana goobta ka baxsaday askarigii dilka geystay.

Dhanka kale Dhacdo xanuun badan midan daba socta ayaa ah in Aabaha dhalay marxuumka uu isna geeriyooday daqiiqado kadib markii lagu wargaliyay geerida wiilkiisa oo uu aad uga naxay.

Aabaha oo ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu aad uga naxay dilka wiilkiisa Fatxi taasoo sidoo kale sabab u noqotay inuu geeriyoodo.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa la sheegayaa inay ku daba joogaan gacan ku dhiiglaha ka danbeeyay dilka Fatxi waloow aysan wali gacanta ku dhigin.