Mid kamid ah dhalinyaradii ka qeyb qaadanayay bannaanbax looga soo horjeeday dhul boob ka socday xaafadda Alcadaala ee degmada Hiliwaa ayaa ku geeriyooday mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Alle ha u naxariistee, wiilka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay Xasan ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyaradii bannaanbaxa dhigayay, kuwaas oo ka soo horjeeday burburinta guryaha ay deganaayeen.

Xasan ayaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray iska horimaadyo ka dhacay halkaas, kahor inta aan loola cararin isbitaal ku yaalla Muqdisho, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Rabshadahan ayaa ka dhashay howlgal la sheegay in ciidamo watay gaadiidka cagaf-cagafta ay ka wadeen xaafadda Alcadaala ee degmada Degmada Hiliwaa, taas oo qeyb ka ah magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyihii hore ee Arrimaha Bulshada degmada Degmada Yaaqshiid, Cabdullaahi Shiilow, oo la sheegay in uu qaraabo la ahaa marxuumka, ayaa ka tacsiyeeyay geerida wiilka, isaga oo ku tilmaamay dhacdada mid murugo leh, isla markaana sheegay in shacabka lagu soo duulay.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida wiilka. Waxa socda waa dhibaato lagu hayo shacabka degan xaafadahaas,” ayuu yiri Shiilow.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in tan iyo markii dib loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay soo kordheen cabashooyinka la xiriira dhul boobka iyo burburinta guryaha, inkastoo aan weli war rasmi ah kasoo bixin hay’adaha dowladda ee ku aaddan eedeymahaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada ama laamaha ammaanka oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadan.

Dhacdadan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan xaaladda amni iyo muranka la xiriira lahaanshaha dhulka ee qaar kamid ah degmooyinka caasimadda.