Xaafadda Delft ee magaalada Cape Town, dalka Koonfur Afrika, waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xaaji Muxudiin Axmed Nuur, kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday dukaankiisa.
Dilka ayaa dhacay xilli marxuumka uu ka shaqeynayay dukaankiisa, waxaana wararku sheegayaan in rag hubeysan ay ku fureen rasaas culus, iyagoo ku dhuftay ilaa 18 xabadood, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.
Madaxa ganacsatada Soomaalida ee deegaanka (location-ka) ayaa ka tacsiyeeyay dilka, isagoo sheegay in falkaan uu yahay mid sii kordhinaya cabsi iyo walaac ka dhex jira ganacsatada ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika.
Soomaali farabadan ayaa sanadihii u dambeeyay lagu dilay dalka Koonfur Afrika, dilalkan oo intooda badan loo aaneynayo burcadnimo iyo nacayb ka dhan ah ajaanibta.
Dilka Xaaji Muxudiin ayaa kusoo aadaya xilli dalkaas uu booqasho rasmi ah ku joogo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taasoo sii xoojisay baaqyada loo jeedinayo dowladda federaalka iyo tan Koonfur Afrika in ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Laamaha ammaanka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan falkaan, balse ilaa hadda lama soo qaban dadkii ka dambeeyay dilkaas






