Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad qado-sharafeed u fidiyay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka si ay uga qeybgalaan kulan lagu qabanayo maanta hoteelka Decale ee ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Casuumaaddan ayaa timid kadib markii madaxweynuhu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo ka qeybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay Itoobiya.
Kulanka qadada ah ayaa la filayaa inuu gogol-xaar u noqdo wada-hadallo rasmi ah oo u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo dowladda federaalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu jebiyo ismari-waaga ka taagan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee soo socda. Muddo-xileedka madaxweynaha iyo kan baarlamaanka ayaa ku eg wax ka yar saddex bilood, arrintaas oo kordhisay walaaca siyaasadeed ee ka dhex jira dhinacyada kala duwan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in wada-hadalladu ka furmi doonaan xarunta madaxtooyada. Hase yeeshee, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa diiday soo jeedintaas, iyagoo ku adkeysanaya in kulanku ka dhaco xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane, oo ku taalla gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha. Xalane, oo ay ilaaliyaan ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika isla markaana hoy u ah safaarado shisheeye, ayaa hoggaamiyeyaasha goluhu u arkaan goob ammaan iyo dhexdhexaadnimo leh oo ka baxsan saameynta tooska ah ee dowladda federaalka.
Khilaafka ka taagan goobta lagu kulmayo ayaa muujinaya kalsooni-darro ballaaran oo u dhaxeysa dhinacyada. Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegay inaysan ku kalsoonaan karin dowladda federaalka dhanka ammaankooda, iyagoo tixraacaya muran muddo dheer soo jiitamayay oo mararka qaar isu beddelay iska horimaad hubeysan. Ismari-waaga ku saabsan halka lagu kulmayo ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in wada-hadalladu burburaan ka hor inta aysan si rasmi ah u bilaaban.
Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ku sugnaa Muqdisho in ka badan toddobaad iyada oo aan la bilaabin wada-hadallo rasmi ah. Dhanka kale, Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay dib u dhigtay kulamadii Golaha Mustaqbalka ee ka dhici lahaa garoonka, iyadoo la sheegay inay ka hor istaagtay xubno kale oo golaha ka tirsan – oo ay ku jiraan madaxweynihii hore iyo ra’iisul wasaareyaal hore – inay galaan xarunta garoonka.
Falanqeeyayaal badan ayaa qaba in dowladda federaalku waddo dadaallo sii adkeyn kara jawiga wada-hadallada. Xitaa haddii wada-xaajoodyadu furmaan, waxay tilmaamayaan in rajada laga qabo in xal laga gaaro khilaafka doorashooyinka ay weli tahay mid xaddidan.
Arrinta sii cakireysa xaaladda ayaa ah in Baarlamaanku ka doodayo wax-ka-beddello muran badan dhaliyay oo lagu sameynayo cutubyo ka mid ah Dastuurka. Ismari-waaga hadda taagan ayaa qeyb ahaan ka dhashay wax-ka-beddello hore oo ay xukuumaddu soo jeedisay, kuwaas oo ay ansixiyeen xildhibaannadu, balse mucaaradku ku baaqayo in dib looga noqdo. Tallaabooyinka ay Villa Somalia ku sii waddo wax-ka-beddelka dastuuriga ah ayaa loo arkaa kuwo sii xumeynaya jawiga isla markaana niyad jabinaya hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland.
Wada-hadalladan ayaa waxaa iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre kadib cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo sidoo kale ku boorriyay hoggaamiyeyaasha labada maamul-goboleed inay yimaadaan Muqdisho.






