Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubaland ayaa ku dhawaaqay mowqif rasmi ah oo ay ku diidan yihiin wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka.

Kadib kulan wadatashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, oo ay la qaateen Madaxweynaha Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaannadu waxay sheegeen in habka loo maray wax-ka-beddelka Dastuurka uu yahay mid sharci-darro ah oo baalmarsan habraacyadii dastuuriga ahaa.

Waxay caddeeyeen in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay kan kaliya ee sharci ahaan dalka u yaalla, ilaa si waafaqsan habraacyadiisa wax looga beddelo. Sidoo kale waxay sheegeen in wixii ka soo baxa Dastuurka cusub uusan ka dhaqan geli doonin deegaanada Jubaland.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale cambaareeyeen tallaabada lagu xanibay xildhibaano ka soo jeeda Puntland oo laga hor istaagay inay ka safraan Muqdisho.

Screenshot

Screenshot