Shir xasaasi ah oo ay iskugu yimaadeen maamulka Degmada Buur-Hakaba iyo saraakiisha ciidanka ayaa lagu qabtay xarunta degmada, iyadoo shirkaasi looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degmada iyo xayiraaddii la saaray garoonka diyaaradaha Buur-Hakaba.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta ay xayiraadda garoonku ku yeelatay isku socodka dadka iyo adeegyada muhiimka ah ee degmada, iyadoo masuuliyiintu sheegeen in tallaabadaasi ay keentay cabashooyin ballaaran oo ka imaanaya bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Buur-Hakaba iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta oo warbaahinta la hadlay kadib shirka ayaa si cad uga soo horjeestay maamulka ay ka tirsan yihiin ee Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in aan la aqbali karin tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyagoo dalbaday in si deg-deg ah looga bixiyo jawaab cad oo ku saabsan go’aannadaasi.
Waxay tilmaameen in go’aannada ka soo baxay heer dowlad goboleed ay si toos ah u saameeyeen amniga iyo xasilloonida degmada, islamarkaana ay muhiim tahay in la helo wadatashi iyo xal deg-deg ah oo lagu dejinayo xaaladda taagan.
Wararka laga helayo Buur-Hakaba ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay gudaha degmada, iyadoo la hadal hayo suurtagalnimada in xilalka laga qaado qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada.
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo ku aaddan hadallada iyo eedeymaha ka soo yeeray masuuliyiinta Buur-Hakaba.
Xaaladda degmada ayaa weli ah mid kacsan, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan dhinacyada isku haya arrintan






