Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa si weyn u soo dhaweeyay booqashadii uu Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku tegay hoyga ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid muujinaysa dadaal siyaasadeed oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo isu soo dhowaanshaha madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Wuxuu rajo ka muujiyay in kulamadaasi noqdaan kuwo horseeda is-faham dhab ah iyo wada-shaqeyn waarta oo saldhig u noqota xasilloonida iyo badbaadada dalka.

Sidoo kale, Xildhibaan Xidig ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku booriyay inuu door muuqda ka qaato maaraynta marxaladda kala guurka ee dalka, isaga oo tilmaamay in muddada xil-heynta dowladda federaalka ay gebogabo ku dhowdahay, loona baahan yahay hoggaan mideeya dhinacyada siyaasadda.

Dhankiisa, wuxuu ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland inay si taxaddar leh u xoojiyaan xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha, si loo abuuro jawi ku dhisan wada-hadal joogto ah, isu tanaasul iyo wadajir qaran.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Xidig ayaa adkeeyay in wada-hadalka iyo is-ixtiraamka siyaasadeed ay yihiin furaha looga gudbi karo caqabadaha jira, islamarkaana lagu gaari karo dowladnimo ku dhisan midnimo iyo iskaashi buuxa.