Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ku xayiran Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaannadan ayaa shalay laga soo celiyay magaalada Garoowe, iyagoo doonayay inay u safraan halkaas, hase yeeshee maanta ayaa markale lagu wargeliyay in aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Xildhibaanada loo sheegay ka hor bixitaankooda in ay fasax rasmi ah ka soo helaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in safarkooda uu ku xiranyahay fasax ay ka helaan Guddoonka Aqalka Sare.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay timid dhanka Villa Somalia oo dooneysa in Maalinta Arbacada ah la ansixiyo waxak bedelka dastuurka, hayeeshee Xildhibaannadaan oo Xalay Warbahainta la hadlay ay sheegeen in  aan qasab lagu geyn karin Shirarka Xildhibaannada labada Aqal.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan arrintan, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.