Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, Wasiirka Tamarta Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiiru dowlaha Maaliyada Wasiir Xaange oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa tegay Hotel Airport, iyagoo doonaya iney la shiraan Xidhibaanadii maanta laga soo celiyay hawada xili ay u socdaalayeen magaalada Garoowe.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan Xildhibaannada inay iska diideen Wasiirada iyo Taliska Booliska Asad Diyaano, taas oo keentay inay dib uga soo laabtaan.

Dhinaca kalena, xildhibaanada lasoo celiyay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga lahaa celintooda.

Senator Sareedo oo katirsan Aqalka Sare ayaa sheegtay in Villa Somalia ay dooneyso inay xoog ku geyso Baarlamaanka si ay Dastuurka u ansixiyaan.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa dhankiisa sheegay in Xildhibaannada loo maleegay shirqool la rabay in Diyaaraddu la dhacdo oo adduunka la dhaafiyo

Wuxuu ku Eedeeyay in arrintaasbuu ka dambeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay in sharcigii meel iska dhigay oo hawadiisa uun ku shaqeynayo, isaga oo ku adkeystay inay baxayaan.

Puntland oo dhacdadii maanta ka jawaabaysa ayaa joojisay duulimaadyadii ay diyaarada Daalo ku tegi jirtay deegaannada maamulkaas.