Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiyaha ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aan rasmi ah oo looga joojinayo Xildhibaano katirsan labada Aqal fadhiyada wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib qalalaase ka dhacay kulankii wadajirka ahaa ee shalay oo taariikhdu aheyd 7-dii Febraayo 2026.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Abshirow ayaa lagu sheegay in Go’aankan uu ku saleysan yahay Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada 14aad, 16aad iyo 28aad, kuwaas oo waajibinaya ilaalinta nidaamka, kala dambeynta, iyo hannaanka sharciyeed ee howlaha Baarlamaanka.

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in 6 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka laga joojiyay fadhiyada wadajirka ah muddo 12 kulan ah, halka laga mamnuucay inay ka qeyb galaan kulamada kale ee Golaha ilaa 09 Febraayo 2026, sababo la xiriira ku xadgudubka xeer-hoosaadka, kuwaas oo Magacyadooda kala yihiin:

Xil. Cabdirahman Cabdi-shakuur Warsame

Xil. Cabdilatif Muuse Nuur (Sanyare)

Xil. Cabdikaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox)

Xil. Siciid Daahir Ismaaciil

Xil. Axmed Cabdi Koshin

Xil. Cabdishakuur Cali Mire

Sidoo kale, Taliska Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la faray inuu dhaqan geliyo go’aankan si waafaqsan xeer-hoosaadka.

Dhinaca kale, warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Sen. Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa lagu sheegay in Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan laga joojiyay ka qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Aqal muddo 12 kulan ah.

Sababta go’aanka
Go’aannadan ayaa yimid kaddib qalalaase iyo muran xooggan oo ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee 7 Febraayo 2026, kaas oo ay sheegeen guddoomiyeyaasha in uu carqaladeeyay nidaamka sharciyeed iyo shaqada Baarlamaanka.

Guddoonnada labada Aqal ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabo sharci oo ka dhan ah xildhibaan kasta oo carqaladeeya shaqada Baarlamaanka, kuna xadgudba xeer-hoosaadka iyo karaamada hay’adaha sharci-dejinta.