Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Airport, waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo isdaba joog ah oo u dhexeeya Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo xildhibaano ka soo kala jeeda Galmudug iyo Hirshabelle.
Kulamadan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray isku soo dhowaanshaha dhinacyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta siyaasadeed, xilli uu jiro dadaal ku aaddan in uusan fashilmin shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, laga doonayo inay kaalin muuqata ka qaataan dejinta xiisadaha iyo hubinta in shirkaasi ku dhamaado is afgarad.
Dhanka kale, Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay fursad siyaasadeed u arkaan dib u dhaca ku yimid shirka, iyagoo wada kulamo kala duwan oo ay ku falanqeynayaan xaaladda siyaasadeed iyo istiraatiijiyadda ay wajahayaan Dowladda Federaalka.






