Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Ahmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku baaqay in la ilaaliyo dastuurka dalka isla markaana la helo doorasho lagu heshiiyo oo dalka ka qabsoonta.
War-saxaafadeedka oo ka sooxisbiga ayaa lagu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu si cad uga soo horjeedo wax kasta oo wax ka beddel ku sameynaya “dastuurka” haddii aan lagu saleyn heshiis qaran oo ay wada gaaraan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Xisbiga ayaa tilmaamay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka uu u baahan yahay in la maro hab sharci ah oo waafaqsan qodobbada dastuurka Kumeelgaarka ah, isla markaana aan laga tallaabin habraacyada iyo heshiisyada hore ee ay gaareen hay’adaha dowliga ah iyo bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in muddada xil-haynta ee Baarlamaanka Somalia ay ku egtahay 14-ka Abriil 2026, halka tan Madaxweynaha ay ku egtahay 15-ka May 2026.
Xisbigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka ay dhigayaan in muddada xil-haynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay tahay afar sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.
Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in muddada yar ee ka harsan xil-hayntiisa sharciga ah uu diiradda saaro sidii lagu heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay.
Xisbigu wuxuu ka digay in haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay ay dhici karto qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan saameyn ku yeelata mustaqbalka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.







