Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku muujiyay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
War-saxaafadeedka oo ka soo baxay xarunta xisbiga ayaa lagu cambaareeyay, sida ay sheegeen, “dhibaatada maanta hawada looga soo celiyay diyaaradii ay la socdeen xubno ka tirsan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sii jeeday Puntland.”
Xisbigu wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah oo dhaawacaysa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kalsoonida muwaadiniinta.
Himilo Qaran ayaa xusay in falalka noocan ahi ay si cad u jabinayaan mabaadi’da dastuurka dalka, gaar ahaan qodobada damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka iyo waajibaadka hay’adaha dowliga ah. Xisbigu wuxuu adkeeyay in dastuurka ku-meelgaarka ahi si cad u farayo in aan muwaadin ama mas’uul dowladeed laga hor istaagi karin safarkiisa haddii uusan jirin amar sharci ah oo maxkamadeed.
Sidoo kale, xisbigu wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku tilmaameen in muddo xileedkiisu gabaabsi yahay, inuu ka waantoobo tallaabo kasta oo keeni karta kala fogaansho siyaasadeed, islamarkaana dhaawici karta midnimada, wadajirka iyo nidaamka dowladnimada dalka.
“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu ilaaliyo dastuurka iyo mabaadi’da dowladnimo, kana fogaado ficillo sii hurin kara khilaafka siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda inay dhowraan sharciga, ilaaliyaanna wadajirka iyo xasiloonida dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.







