Mid ka mid ah diyaaradaha millatariga ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, kaddib toddobaadyo ay hakad geliyeen adeegsiga garoonkan.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay dib u bilaabeen isticmaalka garoonka Bosaso, inkastoo ay hore Dowladda Federaalka Soomaaliya amar ku bixisay in la joojiyo isticmaalka garoomada dalka ee ay sameeyaan diyaaradaha millatariga ee Imaaraadka Carabta.

Wararka laga helayo magaalada Bosaso ayaa sheegaya in maalmahan dambe ay diyaaradahaasi inta badan adeegsadaan xilliyada habeenkii, iyaga oo ka fogaanaya inay si cad u isticmaalaan garoonka maalintii.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo saameyn ku yeeshay xiriirka labada dal iyo iskaashigooda dhinacyada amniga iyo millatariga.

Ilaa iyo hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Puntland ama Dowladda Imaaraadka Carabta oo ku saabsan arrintan.