Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Ahmed Abdi Kariye Qoorqoor, ayaa xalay shir muddo qaatay la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Ali Eid, Senator Dhagdheer iyo Xildhibaan Ugaas Dhagay Gelle.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo sida ay maamulka hadda jira ugu diyaargaroobayaan doorashada la filayo inay qabsoonto bilaha soo socda.

Diyaargarowga Doorashada iyo Tartanka Adag

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay istiraatiijiyadda ay kooxda talada haysa oo loo yaqaan “Team Waayo-Arag” – u wajahayo qorshaha dib-u-soo laabashada madaxda hadda xilka haysa.

Tartanka doorashada ayaa la tilmaamay mid aad u adag, iyadoo musharaxiin awood leh ay u taagan yihiin xilka madaxtinimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Mahad Mohamed Salad

Liiban Cabdi Axmed

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyadu ay isla qaateen xoojinta wada-tashiyada siyaasadeed, la kulanka odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada, iyo abaabulka taageerada gudaha iyo dibadda si loo wajaho loolanka soo socda.

Qorshaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa la sheegay inuu qorsheynayo in dowlad goboleedyada ku jira muddo-xileedka dhammaadka ah la geliyo doorasho muddo laba bilood gudahood ah.

Haddii qorshahaasi hirgalo, waxaa la filayaa in Galmudug ay noqoto mid ka mid ah dowlad goboleedyada si degdeg ah u geli doona jawi doorasho, taasoo sare u qaadi karta dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed iyo kulamada wadatashiga ah ee ka socda Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug.

Kulankii xalay ka dhacay Madaxtooyada Galmudug ayaa muujinaya in hoggaanka hadda jira uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, si uu u ilaashado kursiga marka la gaaro maalinta doorashada.