Warar soo baxaya ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor intii aysan kicin diyaaraddii siday wafdiga Madaxweynaha Puntland ee shalay ku wajahnaa magaalada Garowe, uu khadka taleefoonka kula soo xiriiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni.
Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Deni in isaga iyo xildhibaannada la socday ay muddo kooban yimaadaan Villa Soomaaliya si loo yeesho wada-hadal degdeg ah oo la xiriira arrimo siyaasadeed oo taagan.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne Xasan uu yiri, “Saciidow, wax kasta waa ka heshiin karnaa ee aan muddo kooban wada fadhiisanno ka dib iska safra.”
Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni uu ku wargeliyay Madaxweynaha Federaalka in albaabka diyaaradda la xiray islamarkaana aysan suuragal ahayn in safarka dib loo dhigo xilligaas, balse ay mar kale dib isugu soo laaban karaan si wada-hadal loo yeesho.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn tegay magaalada Garowe, halkaas oo la filayo inuu kulamo kula yeesho mas’uuliyiin heer gobol iyo xildhibaano ka tirsan Puntland.
Wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ama Madaxtooyada Puntland oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya wicitaanka taleefoonka iyo nuxurka wada-hadalka la qorsheynayay.






