Wargeyska ku dhow dowladda Turkiga ee Middle East Eye ayaa ku warramay in dowladda Turkiga ay Arbacadii shalay Soomaaliya geysay saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-16 ah, kuwaas oo lagu sheegay in loo adeegsanayo ilaalinta maalgashiga Turkiga ee dalka.
Warbixintu waxay tilmaamtay in diyaaradahan ay si gaar ah u sugayaan amniga agabka Turkigu u adeegsanayo sahminta iyo soo saarista shidaalka, iyo sidoo kale hirgelinta xarun laga diro dayax-gacmeedyo iyo gantaallo, xilli uu sii xoogeysanayo loollanka u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil.
Saraakiil Soomaali ah oo xogtan la socday ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay bilihii la soo dhaafay dhisaysay xarun gaar ah oo lagu ilaaliyo diyaaradaha F-16, taas oo ku taalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in injineerro Turki ah ay maalmo ka shaqeynayeen garoonka, si ay u diyaariyaan goobta ka hor imaatinka diyaaradaha, loona hubiyo ammaankooda iyo hawlgalka farsamo.
Imaatinka la sheegay ee diyaaradaha dagaalka ayaa imaanaya xilli uu sii kordhayo doorka militari iyo midka dhaqaale ee Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo Ankara ay kamid tahay saaxiibada ugu waaweyn ee taageera dowladda Federaalka.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama Turkiga oo xaqiijinaya ama beeninaya warkan, balse arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan oo la xiriirta saameynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.






