Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar ugu baxay dalka Imaaraatka Carabta, halkaas oo uu kula kulmayo mas’uuliyiin sare iyo wakiillo ka kala socda dhinacyo kala duwan.
Safarkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga Somaliland, gaar ahaan doorka Imaaraatka ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga istaraatiijiga ah ee gobolka.
Safarka Madaxweyne Cirro ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd Imaaraatka Carabta, arrintaas oo falanqeeyayaal badan ay u arkaan in ay fursad u noqotay Somaliland, maadaama UAE ay si weyn ugu lug leedahay mashaariicda waaweyn ee dalka ka socda.
Imaaraatka Carabta ayaa si gaar ah u maalgashaday Dekedda Berbera, taas oo ay gacanta ku hayaan shirkado la xiriira dowladda UAE, waxaana dekeddaasi noqotay marin ganacsi oo muhiim ah oo isku xira Somaliland iyo Itoobiya.
Sidoo kale, UAE ayaa ka fulisay Somaliland mashaariic horumarineed oo ballaaran, kuwaas oo isugu jira kaabeyaasha dhaqaalaha, dekedaha, waddooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah kobaca ganacsiga.
Imaaraatka Carabta ayaa hadda loo arkaa quwad saameyn xooggan ku leh Geeska Afrika, iyaga oo qorsheynaya in uu xoojiyo isku xirka Itoobiya ilaa Dekedda Berbera, si Itoobiya uga maaranto dekedaha kale ee ay hadda ku tiirsan tahay.






