Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay maanta gelinka hore yeeshaan shir gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, kadib markii wadahadalladii siyaasadeed ee u socday ay natiijo la’aan ku soo dhammaadeen.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku adkeystay mowqifkiisa la xiriira hannaanka doorashada federaalka iyo tan Dowlad Goboleedyada, arrintaas oo sii adkaysay in la gaaro is-afgarad buuxa oo ku saabsan khilaafka taagan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay xalay qorsheynayeen inay soo saaraan warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan halka ay wax marayaan, balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriiray, isaga oo ka dalbaday inay siiyaan waqti dheeri ah ilaa maanta gelinka hore.

Codsigaas kadib, Golaha Mustaqbalka ayaa hakiyay soo saarista warsaxaafadeedka, iyaga oo sugaya natiijada wada-xaajood dheeraad ah oo la filayo inuu maanta qabsoomo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in go’aanka ka soo baxa shirkan uu noqon karo mid saameyn weyn ku yeesha jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wada-shaqeynta hay’adaha federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan go’aannada ay qaadan doonaan Golaha Mustaqbalka iyo tallaabooyinka xiga ee dhinacyadu qaadi doonaan.