Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika oo mar kale dhegeysan doonta dacwadda xildhibaannada Soomaaliya ee Baarlamaanka EAC
Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika ayaa mar kale dhegeysan doonta dacwadda la xiriirta xildhibaannada sagaalka ah ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bariga Afrika (East African Legislative Assembly.
Sida ku cad ogeysiis rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda, dhageysiga dacwaddan ayaa loo asteeyay Khamiista 19-ka Maarso 2026, saacaddu markay tahay 9:30 subaxnimo, waxaana lagu qaban doonaa xarunta Maxkamadda EACJ ee magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Kiiskan ayaa waxaa gudbiyay Ambassador Mohamed Ahmed Awil iyo qof kale, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA). Dacwadda ayaa la xiriirta habraaca iyo sharciyadda lagu soo xulay xildhibaannada Soomaaliya u matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika.
Horey, 19-kii Janaayo 2026, Maxkamadda ayaa dhageysatay wajigii koowaad ee dacwaddan. Xilligaas kadib waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood ku faafay warar sheegaya in Maxkamaddu ogolaatay in la dhaariyo xildhibaannada Soomaaliya u dirtay Bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, wararkaasi ayaa markii dambe la xaqiijiyay inaysan sax ahayn, maadaama Maxkamaddu aysan bixin go’aan kama dambeys ah oo ogolaanaya dhaarinta xildhibaannada.
Dhageysiga 19-ka Maarso ayaa lagu qaban doonaa qolka fadhiyada ee Maxkamadda, dabaqa labaad ee xarunta EAC, iyadoo ay fadhiisan doonaan garsoorayaal uu hoggaaminayo Garsoore Yohane Bokobara Masara, oo ah Garsooraha Sare ee Qeybta First Instance Division.
Maxkamaddu waxay sidoo kale ogeysiiska ku sheegtay in haddii dhinacyada dacwadda aysan soo xaadirin, ay dhageysiga sii socon doono isla markaana go’aanno la gaari karo iyadoo ay maqan yihiin.
Dacwaddan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama ay saameyn ku yeelan karto matalaadda Soomaaliya ee Baarlamaanka Bariga Afrika.








zk lvncnv;sdnvspvasv